HTML waa course-ka aasaaska u ah web development. Waxaad ku baranaysaa sida browser-ku u akhriyo page, sida content loo habeeyo, iyo sida loo dhiso HTML structure nadiif ah oo diyaar u ah CSS, JavaScript, accessibility, iyo SEO basics.
Waxaad Ku Baranaysaa Kooraskan
Sida internet-ka, website-yada, server-ka, iyo browser-ku u wada shaqeeyaan.
Qaab dhismeedka HTML document-ka sida doctype, head, title, iyo body.
Isticmaalka headings, paragraphs, comments, syntax, iyo text formatting.
Sida HTML attributes loogu daro elements-ka si macluumaad dheeraad ah loo siiyo.
Dhismaha links, images, lists, tables, iyo file paths.
Isticmaalka semantic HTML si page-ku u yeesho macne cad oo la fahmi karo.
Dhismaha forms leh labels, inputs, buttons, select menus, iyo textarea.
Sida HTML loogu diyaariyo CSS, JavaScript, accessibility, iyo SEO basics.
Outcome
Marka aad dhammayso course-kan, waxaad awoodi doontaa inaad dhisto HTML pages sax ah, content-kana u habayso si professional ah. Wuxuu kuu noqonayaa saldhig adag oo aad ku sii dhisi karto CSS, JavaScript, React, iyo frontend development.