Git iyo GitHub waa xirfadaha aasaasiga ah ee developer kasta u baahan yahay si uu u maamulo code, u kaydiyo versions, ula shaqeeyo koox, una diyaariyo projects professional ah. Course-kan wuxuu kaa caawinayaa inaad fahanto Git fundamentals, repositories, commits, branches, GitHub workflow, iyo sida project loo push-gareeyo loona maamulo si nadiif ah.
Waxaad Ku Baranaysaa Kooraskan
Farqiga u dhexeeya Git iyo GitHub iyo sababta version control muhiim ugu yahay developers-ka.
Sida loo install-gareeyo Git, loo sameeyo configuration, loona diyaariyo environment-ka shaqada.
Git basics sida repository, working directory, staging area, commits, iyo commit history.
Commands-ka muhiimka ah sida git init, git status, git add, git commit, git log, iyo git diff.
Sida project local ah loogu xiro GitHub repository kadibna loogu push-gareeyo online.
Branches iyo workflow-ga saxda ah ee lagu tijaabiyo feature cusub adigoon main code-ka dhaawicin.
Pull, push, clone, fetch, merge, iyo sida loo fahmo syncing-ka local iyo remote repositories.
README files, project documentation, GitHub profile, iyo sida portfolio projects loogu soo bandhigo si professional ah.
Outcome
Marka aad dhammayso course-kan, waxaad awoodi doontaa inaad code-kaaga si nidaamsan u maamusho, versions-ka la socoto, GitHub ku kaydiso projects-kaaga, lana shaqeyso workflow developer-nimo oo professional ah. Course-kan wuxuu kuu diyaarinayaa collaboration, deployment, open source basics, iyo project presentation.